MURASHAX MADAXWEYNE JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

MURASHAX MADAXWEYNE JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Talaado, November 3, 2020
Xaaladda kala guurka dalka ku jiro waxay u baahan tahay in masuuliyad layska saaro in aan dalka loo horseediin khilaafaad
iyo colaado hor leh oo dib u dhac ku keeni kara geedi socodka dalka.
Waxaan aad u dhaliilnay qorshaha gurracan ee dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee dhismaha dowlad goboleedka
Hirshabeele iyo magacaabista guddiyo doorasho iyo ergooyin ay iyada si gaar ah u soo xulatay, dano gaar ahna ka leedahay.
Waxaan uga digeeynaa dowladda Federaalka in ay dedejiso doorashooyinka muddaysan ee dalka iyadoo damaceedu yahay
in ay iyada keliya u diyaar garowday una madaxbanaan tahay xulista guddiyada doorashooyinka heer qaran iyo heer gobol.
Masuuliyaadka saaran dowladaha ka soo baxaaya burbur dowladeed iyo dagaalo sokeeye waxa ay tahay in ay dhidibada u
aasaan dhismaha hay’ado dastuuri ah, shuruuc loo siman yahay iyo wadiiqo (process) cad oo lagu gaaro doorashooyin xalaal ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waa in ay ka digtoonaataa cawaaqib xumada ka imaan doonta in ay Khalkhal geliso
doorsahooyinka Federaalka ee foodda nagu soo haaya iyadoo damaceedu yahay in ay soo xulato guddiyo doorasho iyo ergooyin
iyada ka amar qaata oo ay ku indha sarcaadiso shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.
Hirshabelle waxay u baahan tahay in marka hore loo sameeyo dib u heshiisiin dadka walaalaha ah ee shakiga la kala geliyey, lana tibaaxo qorshe laysku wada raacsan yahay oo lagu soo dhiso dowlad goboleed raali laga wada yahay.
Khaladaadka dowladda Federaalku ku sameeyneeyso geedi socodka dowlad goboleedyada iyo hanaanka doorashooyinka waxay
sixitaan uga baahnaan doontaa dowladda iyada bedeli doonta.
Mahadsanidiin.