Loolanka iyo hardanka Siyaasaddaa dalkeenna waxaa badnaaba laga daalacdaa Shabakadaha wararka (Websiteyada) Soomaalida. Haddaba aniga oo maalin dhawayd Hiiraan Online hoygooda soo booqday, ayaan waxaaa ku arkay xayeysiis nin aan saaxiib nahay ku soo dhejistay shaashadda. Waa murashax Dr. Cabdinuur Sh. Maxamad oo u taagan doorashada xilka Madaxweynaha Soomaaliyeed. Doorasha waxaa la filayaa inay dhacdo horraanta sannadka soo socda 2020- 2021 haddii Alle idmo.
Haddaba aniga oo ah Qoraaga Maxamad Sh. Xasan Nuur, ahna asaasaha shirkadda horumuudka u ah daabacaadda kutubka Soomaaliyeed ee (Scansom Publishers oo la yagleelay sannadkii 1993) waxaan caddayn ka bixinayaa aqoonta aan u leeyahay Murashax Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamad.
Cabdinuur waxaan dugsiga hoose ka wada dhigannay Iskoolkii la oran Iskool Hodan ee Xamar, waxaana ka baxnay sannadkii 1970. Kaddib waxaan u wareegnay Dugsiga Dhexe ee 21 Oktoobar, sannadkii 1971.
Ololihii 1974-1975 waxaa ardadii iskuulkayaga la geeyey Degmada Waajid iyo Tiyeeglow Gobolka Xuddur. Muddo ayaan kala irdhownay, kaddibna anigu waxaan soo galay dalka Sweden 1981 kaddibna waxaan u soo wareegay magaalada Toronto, Canada sannadkii 1997. Cabdinuur oo qaddar iga dambeeyey isaguna wuxuu soo galay dalka USA 1982. Dib ayaan isu hellay sannadkii 1998 ilaa intii ka dambaysay, in badan ayaan wada shaqaynnay. . Haddaba Xildhibaanka wax dooranayoo inta aadan codkaaga iska bixin, horta bal wax hubso! (Hubsiimo Hal baa la siistaa). Raad arooyo dib u raac. Isweyddii Muxuu Murashuxu gudaa, muxuuse galaa!. Waxaan kuu caddaynaa inuu Dr. Cabdinuur uu ka mid yahay horseedka iyo haldoorka dadka Soomaaliyeed ee Qurbaha ku raagay. Wuxuu kaga duwan yahay in badan oo qurbo-joog ah oo aad loo saluugay markii ay xilal kala duwan dalka ka qabteen muddooyinka dambe, arrimahan hoos ku xusan.